bundad Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.
bundaqiijiye Makiinadda bunka lagu shiido.
bunduq ld buntuq.
bungaree ld bamgaree.
bungareyn ld bamgareyn.
bungis ld bunkis.
bunji Xarig badan oo dhumuc weyn leh oo laga sameeyay xaskusha, boocda iwm.
bunkis Baqshad. ld bungis.
bunnaahi (1) ld banaaxiyid.
bunnaahi (2) ld banaaxi².
bunnaahin ld banaaxiyid.
bunnaahis ld banaaxiyid.
bunnaahiyid ld banaaxiyid.
bunnaasho ld banaaxo.
buntuq Hub fudud, leh dhuun xabbaduhu maraan oo ilaa ilqabato wax ka dila. ld bunduq, dumbuq.
bunuug eeg banki..
buq (1) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq (2) 1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq (3) Biyo, neef, gaas iwm oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
buqad ld buqasho.
buqasho eeg buqo. ld buqad, buqid.
buqbuqayn eeg buqbuqee.
buqbuqee Caano, buqbuqo ka dhigid.
buqbuqo Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. ld buqbuqood.
buqbuqood ld buqbuqo.
buqcad ld bugcad.
buqid eeg buq³.
buqo Weel aburan cadaadiska gudihiisa ku jiro oo batay awgeed fur tuurid.
buqshad ld baqshad.
buqul (1) Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol.
<< < 167 168 169 170 171 172 173 174 175 176 177 > >>