Ereyga Maanta: turaal
caanammaal Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).
caanammacays ld caanammaceeye.
caanammaceeye Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays.
caanammiir Qalab caanaha lagu miiro.
caanannuug Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
caanannuugnimo Caanannug ahaansho. ld caanonnuugnimo.
caanannuuji Caano nuujiin; caanosiin.
caanannuujin eeg caanannuuji.
caanaqub Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo.
caanarrux ld caanallul².
caanarruxato ld caanallul².
caanateel (1) 1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.
caanateel (2) Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².
caanateelid eeg caanateel². ld caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis.
caanateelis ld caanateelid.
caanateelley ld caanaddiiq¹.
caanateyn ld caanteen.
caanaxaraarshe Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.
caanayn eeg caanee.
caanee Caano wax ku darid.
caaneeye Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
caaneeyo Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.
caaney ld caaneeyo.
caaneysasho (c.nafl.) Caano soo deynta qanjirrada naasaha oo badanaa bilowda uurka dhammaadkiisa.
caannimo Caan ahaansho.
caano 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
caanoddeys Ubadka xoolaha oo caano-nuugiddii ka go'ay.
caanolul Qori kuusan oo marka caanaha la lulayo haanta loo dhigo..
caanomaallo-isle'eg (c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
caanonnuug Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. ld caanannuug.
<< < 183 184 185 186 187 188 189 190 191 192 193 > >>