Ereyga Maanta: xaadi
dacarbax (2) Calool ama xiidmo qaras ku jirtay, ka bixid.
dacarbixi Calool ama xiidmo, qaras ku jirtay ka saarid.
dacarbixid eeg dacarbax².
dacarbixin eeg dacarbixi.
dacardhiig Dabadhiig.
dacaree 1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.
dacarfaal (1) Qaadashada dawo iwm si ay caloosha qarasta ku jirto uga saaranto; qarasfaal. ld dacarfaalid.
dacarfaal (2) Caloosha si qaras ku jirto looga saaro, daawo iwm qaadasho. ld dacarfal².
dacarfaalid eeg dacarfaal². ld dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid.
dacarfal (1) ld dacarfaalid.
dacarfal (2) ld dacarfaal².
dacarfalid ld dacarfaalid.
dacaroo Wax dacar hayso noqosho (cid).
dacarood eeg dacaroo.
dacas (1) 1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato.
dacas (2) 1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid.
dacati (1) ld tacaddi¹.
dacati (2) ld tacaddi².
dacatin eeg tacaddiyid.
dacatiyid ld tacaddiyid.
dacawamadow Nooc dawacada ka mid ah, midab ciiro ah leh, oo caws ku nool ah. ld dawacamadow.
dacawo ld dawaco.
dacay (1) Xarig yar oo xoolaha qalka ama faruurta hoose looga xiro si loo xukumo.
dacay (2) Faruurta hoose ee xoolaha.
dacay (3) Neef, si loo xukumo, qalka hoose xarig kaga xirid. ld dacayee.
dacayan Neef, wax la dacayey ahaansho. ld dacayeysan.
dacayasho eeg dacayo. ld dacayeysasho.
dacayayn ld dacayid.
dacayee ld dacay³.
dacayeysan ld dacayan.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>