Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
tasniif (2) Farsamo aan hore u jiri jirin curin.
tasniifid eeg tasniif².
tasoobid eeg tasow.
tasow 1. Baadi wax muddo badan maqnayd noqosho. 2. Nafley dayoobid.
tastuur (1) 1. Xeer ama qaynuun waddan lagu maamulo. 2. Qori kolkol lagu shiraaca lagu xiro oo doonyuhu isticmaalaan.
tastuur (2) Dhaqan iyo dabeecad qof leeyahay. ld dastuur.
taswiir ld masawir.
tatab 1. Joog, dherer. 2. Kobta ay iska galaan bowdada iyo barida.
tataji Cid hore u ridid.
tatajin eeg tataji.
tatoomid ld tantoomid.
tatoomo ld tantoomo.
tatoon ld tantoon.
tatoonyee ld tantoon.
tatoonyeyn ld tantoomid.
tatoonyo ld tantoomo.
taw Cod lagu muujiyo wax degdeg ama dhaqso ah.
tawaad ld dawaad.
tawaan 1. Karti wax lagu bixiyo ama lagu sameeyo. 2. Ujeeddo.
tawaansad ld dawaansasho.
tawaansasho ld dawaansasho.
tawaansi ld dawaansasho.
tawaanso ld dawaanso.
tawaawac (1) Cabasho, calaacal.
tawaawac (2) Calaa-calid.
tawaawicid eeg tawaawac².
tawaawil (1) Bari idaad iyo dhir la isku shiilay oo dawo ahaan loo isticmaalo.
tawaawil (2) Bari idaad iyo dhir la isku shiilay cid ku daawayn.
tawaawilid eeg tawaawil².
tawakal (1) ld tawakalid.
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>