Ereyga Maanta: xiltirid
dalooshnaansho ld dalooshnaan.
dalow (1) 1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid.
dalow (2) Qof dalkiisii ku dhibaatooday, dal kale iska aadid.
dalqad ld dalaaq².
dalqami 1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin.
dalqamid eeg dalqan². ld dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
dalqamin eeg dalqami.
dalqamiso Sixir lagu sameeyo qof la doonayo wax uu ogyahay in uu sheego.
dalqan (1) 1. Hadal badan oo iyadoo aan laga fiirsan lagu hadlo. 2. ld dalqamid. ld dulqan¹.
dalqan (2) Hadal badan oo aan laga fiirsan ku hadlid. ld dulqan².
dalqe ld dalqo.
dalqo (c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.
dalqoholac 1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
dalsan Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan.
daltabyeysan Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho.
daltabyeysnaan eeg daltabyeysan. ld daltabyeysnaansho.
daltabyeysnaansho ld daltabyeysnaan.
daltabyo Qaban waayidda ay nafley qaban weydo dal ku cusub oo aaney horay u joogi jirin.
daltabyoo Daltabyo dareemid (nafley).
daltabyood eeg daltabyoo.
dalwi Ceel wadaan u ridid (qof).
dalwin eeg dalwi.
dalxiis (1) 1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga.
dalxiis (2) Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid.
dalxiise Qof meel tamashle iyo raaxeysi ku jooga.
dalxiisid eeg dalxiis².
dalxiisnimo Dalxiis ahaansho (qof).
dalyaqaan D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iwm aqoon u leh.
dam 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
damaaci D. ah: qof damac badan.
<< < 311 312 313 314 315 316 317 318 319 320 321 > >>