Ereyga Maanta: nacaal
dakhaakhul (1) Qof gabow dartiis, isku daran noqday. ld laclac¹.
dakhaakhul (2) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin. ld laclac².
dakhaakhulid eeg dakhaakhul². ld laclacid.
dakhal 1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer.
dakhar (1) ld daqar¹.
dakhar (2) ld daqar².
dakhli Hanti cid ka soo gasha shaqo ama ganacsi.
dakhramid ld daqramid.
dakhran (1) ld daqran¹.
dakhran (2) ld daqran².
dakhranaan ld daqranaan.
dakhranaansho ld daqranaan.
dakhrid ld daqrid.
dal (1) Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
dal (2) Harag rogob ka gurid.
dal'id ld dham'id.
dal-lahelay ld dan-lahelay.
dala' (1) ld dhama'¹.
dala' (2) ld dhama'².
dala'sad ld dala'sasho.
dala'sasho eeg dala'so. ld dala'sad, dala'si.
dala'si ld dala'sasho.
dala'so Cid khayaano yar oo aan wax lagu yeelayn ku samayn.
dalaabid 1. ld dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
dalaad Dhul bannaan oo aan dhir waaweyn lahayn.
dalaadala Si aayar ah.
dalaaf (1) 1. D. ah: xoolo ama dad darxumo iyo rafaad ka muuqdo. 2. D. ah: ceel biyihii ka gureen. 3. ld dalaafid.
dalaaf (2) 1. Dad ama xoolo, wax darxumo iyo rafaad ka muuqdo noqosho. 2. Ceel, biyo ka gurid.
dalaafid eeg dalaaf². ld dalaaf¹ (3).
dalaafsan Wax dalaafay ahaansho.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>