dareensad ld dareensasho.
dareensan Wax, wax dareemay ahaansho.
dareensanaan eeg dareensan. ld dareensanaansho.
dareensanaansho ld dareensanaan.
dareensasho eeg dareenso. ld dareensad, dareensi.
dareensi ld dareensasho.
dareensii Cid, xog ka maqnayd garansiin.
dareensiin eeg dareensii.
dareenso Cid, wax sharaysasho.
dareenwade (c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
dareer (1) Dhaqaaqidda xoolo meel ay tuurnaayeen ka dhaqaaqaan. ld dareerid.
dareer (2) 1. Hoore si aan kala go'lahayn u socosho. 2. Nafley meel ay tuurnayd ka dhaqaaqid. ld dureer².
dareeri 1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
dareerid eeg dareer². ld dareer¹, dureer¹, dureerid.
dareerin (1) eeg dareeri. ld dareeris¹, dureerin.
dareerin (2) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).
dareerin-aritmatig D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.
dareerin-aroorta D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
dareerin-joometeri D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.
dareerin-kalahaad D. oo wadarta dhammaan tibxaha ka dambeeya tibixda n-aad aan dhinmin marka ay n-korodho.
dareerin-koobane (xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
dareerin-makoobane (xis.) D. tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato.
dareeris (1) ld dareerin¹.
dareeris (2) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
dareerka dhiigga Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.
dareersad ld dareersasho.
dareersasho eeg dareerso. ld dareersad, dureersad, dureersasho.
dareerso Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso.
dareerto 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
dareewal 1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal.
<< < 326 327 328 329 330 331 332 333 334 335 336 > >>