Ereyga Maanta: waddoohiye
sarakicid eeg sarakac². ld sarakac¹.
saran Wax la saray ahaansho.
saranji Ku xigeenka naaquudaha doonta.
saranseer (1) Dhibaato ka timid arrimo isdaba joog ah oo waxyeello leh.
saranseer (2) Dhibaato weyn oo arrimo isbada joog ah ka dhalatay la kulmid.
saranseerid eeg saranseer².
saransoor 1. Meel laba wax iska galaan; iran. 2. Dalandool.
sarar (1) Derin caws ka samaysan oo aan toban kabood ka bad-nayn.
sarar (2) Feeraha intooda hoose oo saracda xigta iyo hilibka saaran.
sararacaddeeye Geed dhulka dooxoo-yinka ah ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sararaggale Deriskunool gala dhogorta nirgaha oo dhiigga ka nuuga.
sararcaddeeye Geed dhulka dooxoo-yinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sarasho eeg saro².
sarayn eeg saree.
sarayo Iska hor-imaad; dagaal; cadaawad.
sarbeeb Hadal maldahan oo macne ku qarsoon yahay.
sarbi ld darbi.
sarbid eeg sarab².
sarbin ld darbin.
sarcan (1) ld sarac².
sarcan (2) Wax la sarcay ahaansho (geed).
sarcanaan eeg sarcan². ld sacra-naansho.
sarcanaansho ld sarcanaan.
sarcasho eeg sarco².
sarcid eeg sarac³.
sarco (1) Cudur maskaxeed dadka ku dhaca oo lala suuxo; qallal.
sarco (2) 1. Beer abuurasho. 2. Geed si uu xabag u dhalo mudmudasho.
sardhaban S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
sardhayn eeg sardhee.
sardhee Qof wax yar seexasho.
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>