Ereyga Maanta: qamandhacoo
tiic Nafley xarrago, xanuuun iwm la dheeldheeliyid.
tiici Cid luudin.
tiicid eeg tiic.
tiicin eeg tiici. ld tiicis.
tiicis ld tiicin.
tiico Jaad ama nooc geedaha ka mid ah.
tiif (1) Kolay maqaar ama maro ka samaysan oo badarka iwm lagu shubto.
tiif (2) Wax sarsarid.
tiifid eeg tiif².
tiifowga maqaarka (daaw.) Mid kasta oo ka tirsan koox infekshin ah oo uu keeno “Rickettsiae”. Astaamo: madax xanuun daran, finan jirko dhan ku faafsan, qandho badan oo muddo dheer socota iyo isku-daran.
tiig 1. Socod degdeg ah oo meel lagu gaaro. 2. ld tiigsahso.
tiigaal ld tiigsasho.
tiigasho eeg tiigo.
tiigo 1. Cid socod ku fogaansho. 2. Ku t.: cid aad ugu xadgudbid.
tiigsad ld tiigsasho.
tiigsasho eeg tiigso. ld tiig (2), tiigaal, tiigsad, tiigsi.
tiigsi ld tiigsasho.
tiigsin 1. Ul weyn oo dheer. 2. ld tiig¹.
tiigso Wax durugsan gaaritaankooda ku dadaalid.
tiil (1) Daal iyo xoog aan jirin oo la iska doono.
tiil (2) Dadaal iyo xoon aan jirin iska doonid, iska raadin.
tiilid eeg tiil².
tiim 1. Koox cayaartoy ah. 2. Koox dad ah oo hawl gaar ah fulisa.
tiimbad ld tiimbasho.
tiimbasho eeg tiimbo. ld tiimbad.
tiimbi Wax biyo quusin.
tiimbin eeg tiimbi.
tiimbo Biyo is quusin.
tiimis Gabay la soo diyaariyey.
tiin (1) 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>