Ereyga Maanta: olmon
hardabaa ld haraa.
hardaf (1) 1. Nooc orodka fardaha ka mid ah. 2. ld hardafid.
hardaf (2) Si hardaf ah u ordid.
hardafi Si hardaf ah faras u ordisiin.
hardafid eeg hardaf². ld hardaf¹ (2).
hardafin eeg hardafi.
hardamid eeg hardan². ld hardan¹, hertamid, hertan¹.
hardan (1) Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan. ld hardamid.
hardan (2) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. ld hertan².
hardi (1) Madaxa oo wax lagu dhufto. ld herti¹.
hardi (2) Madaxa ku dagaalamid. ld harati, herti².
hardin ld hardiyid.
hardiyid eeg hardi. ld haratin, hardin, hertin.
haree 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
hareed Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. ld harreed.
hareef 1. Qof tabar daran. 2. Qof aan muuqaal wanaagsanayn. 3. Wax soo haray. 4. Derin duug ah.
hareer Dhinac; barbar.
hareerayn eeg hareeree.
hareeree Wax dhinac kasta ka marid.
hareereysan Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho.
hareereysnaan eeg hareereysan. ld hareereysnaansho.
hareereysnaansho ld hareereysnaan.
hareeri (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
hargaamee Si nac ku jiro qof wax u yeelid.
hargaameyn eeg hargaamee.
hargaamo Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.
hargaanti 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
hargab (1) Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.
hargab (2) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.
hargab (3) Duray qaadid.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>