jildisasho eeg jildiso. ld jaldisasho, jeldisasho, jaldiyasho, jeldiyasho, ji.
jildiso Kitaab, buug iwm jildi u yeelasho. ld jaldiso, jeldiso, jaldiyo, jeldiyo, jildiyo.
jildiyasho ld jild isasho.
jildiyid eeg jildi². ld jaldiyid, jeldiyid, jildin, jildis.
jildiyo ld jildiso.
jile ld jilaa.
jilee 1. Wadaan biyo ka buuxin. 2. Abaabulid (cayaar).
jileec 1. Adkaan la'aan; fudayd; debec. 2. Karti iyo awood-darro cid ka muuqata.
jilib (1) 1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (-byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.
jilib (2) Dhul yar, bannaan oo degaan ku habboon.
jilibdhig (1) 1. Caabbinta cadaw si adag la isga caabbiyo. 2. ld jilibdhigid.
jilibdhig (2) U j.: cadaw si adag u caabbiyid.
jilibdhigasho eeg jilibdhigo.
jilibdhigid eeg jilibdhig². ld jilibdhig¹ (2).
jilibdhigo U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid.
jiliblaab 1. Fariisinta hal, in rati abaahiyo loo faariisiyo. 2. Nasasho yar oo lagu daalgooyo.
jilibxir (1) 1. Hab geela xarig bowdada iyo cududda la isaga xiro si uusan u baxsan ama meel fog u aadin. 2. Duco loo akhriyo xoolo ama carruur dhuntay, si aysan meel fog u aadin. 3. Hanti la siiyo cid hawl loo dirsaday. 4. Xoolo in caano laga maalo awgood guriga loogu ilaaliyo. 5. ld jilibixirid.
jilibxir (2) 1. Xoolo ama carruur dhuntay si aysan u fogaan duco u akhrin. 2 . Geel si uusan u baxsan dhudhunka iyo cududda isaga xirid.
jilibxiran 1. Geel wax dhudhunka la isga xirey ahaansho. 2. Xoolo iyo ilmo dhumay wax duco loo akhriyay ahaansho.
jilibxirid eeg jilibxir². ld jilibixir¹ (5).
jilibxirnaan eeg jilibxiran. ld jilibxir-naansho.
jilibxirnaansho ld jilibxirnaan.
jilic 1. Wax aan adkayn noqosho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhimay noqosho.
jilicsan 1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. ld jilacsan.
jilicsanaan eeg jilicsan. ld jilacsanaan, jilacsanaansho, jilicsanaan-sho.
jilicsanaansho ld jilicsanaan.
jilicsasho eeg jilicso.
jilicso Wax jileec ka dhigasho. ld jilciso.
jilid eeg jil². ld jil¹ (5).
jilif Qolofta sare ee geedaha.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>