Ereyga Maanta: siin
malmal 1. Geed quwaax dhala, xabag ur leh oo daawo loo isticmaalo. 2. Xabagta geedka malmalka.
malmalaaddo Macmacaan laga sameeyo qudaar kala duwan siiba babbay, tufaax, cananaas iwm oo la cuno.
malo 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah. 2. Saxaro jilicsan oo ubadka yari dhigaan. 3. ld male.
malooq Ku m.: subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.
malooqan Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.
malooqasho eeg malooqo.
malooqid eeg malooq.
malooqnaan eeg malooqan. ld malooqnaansho.
malooqnaansho ld malooqnaan.
malooqo Subag, dhoobo iwm isku dhoobid.
malow Nafley mulaca ka weyn oo madow oo leh dhibacyo cadcad; amuur.
malqabad ld malkhabad.
malqacad ld macalgad.
maluuq 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.
maluuqad ld maluuqasho.
maluuqan 1. Wax timaha laga wada xiiray ahaansho (qof). 2. Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.
maluuqasho eeg maluuqo. ld maluuqad.
maluuqid eeg maluuq.
maluuqnaan eeg maluuqan. ld maluuqnaansho.
maluuqnaansho ld maluuqnaan.
maluuqo Madax timo ka wada xiirasho.
malxaf Wax dhumuc yar.
malyan ld malyuun.
malyuun Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; “1.000.000”. ld malyan, milyan.
mam Wax isticmaalkooda caadeeysasho. ld mab.
mamac 1. ld miibac. Dhagax adag. 2. Gaajo badan.
mambar ld minbar.
mamid eeg mam. ld mabid.
mamlakad Boqortooyo. ld mamlako.
mamlako ld mamlakad.
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>