Ereyga Maanta: hoolan
dhalleexid eeg dhalleex². ld dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid.
dhalleexin eeg dhalleexi. ld dhalleecin, jalleecin.
dhalleexo ld dhalleexid.
dhalleexsad ld dhalleexsasho.
dhalleexsasho eeg dhalleexso. ld dhalleecsad, dhalleecsasho, dhalleecsi, dhalleexsa.
dhalleexsi ld dhalleexsasho.
dhalleexso 1. Dhinac eegid. 2. Ka dh.: wax ka gaabsasho. ld dhalleecso, jalleecso.
dhallin 1. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da'weyn.
dhallinciil ld dhallaanciil.
dhallinyar (1) Dadka inta da'dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan.
dhallinyar (2) Qof da'diisu yartahay ahaansho.
dhallinyaraan eeg dhallinyar². ld dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari.
dhallinyaraansho ld dhallinyaraan.
dhallinyarannimo Dhallinyaro ahaansho.
dhallinyarayn (juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
dhallinyari ld dhallinyaraan.
dhallinyaro ld dhallinyaraan.
dhallinyaroobid eeg dhallinyarow.
dhallinyarow Dhallinyar noqosho.
dhalmaanyo ld dhilmaanyo.
dhalmacusbo Dh. ah: caanaha neef dhawaan-dhal ah.
dhalmaddee Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid (qof dumar ah).
dhalmaddeyn (1) eeg dhalmaddee. ld dhalmaddeys.
dhalmaddeyn (2) (c.nafl.) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
dhalmaddeys 1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da'da dhalmadu joogsato. 2. ld dhalmaddeyn.
dhalmo Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid.
dhalo (1) 1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
dhalo (2) 1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.
dhalo-yareey Dhalo laba dhuceey qaadda.
dhaloobid eeg dhalow².
<< < 369 370 371 372 373 374 375 376 377 378 379 > >>