Ereyga Maanta: galabdheer
barbartan (2) Isku barbar dhicid; kalaggurasho; kala badin waayid.
barbax (1) 1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld barbixid.
barbax (2) 1. Ku b.: xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin meel ku sugnaan. 2. Ka b.: dhibaato xilli kulul ka samatabixid (nafley).
barbixi Nafley, dhibaato xilli kulul ka samatabixin.
barbixid eeg barbax². ld barbax¹ (3).
barbixin eeg barbixi. ld barbixis.
barbixis ld barbixin.
bardad (1) Cabsi iyo naxdin weyn oo qofka ka lumisa is hanashada. ld barkad¹, barkag¹, berded¹, berkeg¹ (2).
bardad (2) Cabsi kediso ah la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag², berded², berkeg².
bardadid eeg bardad². ld barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
bardadsan Qof, wax bardaday ahaansho. ld barkadsan, barkagsan, berdedsan, berkegsan.
bardadsanaan eeg bardadsan. ld bardadsanaansho, barkadsanaan, barkadsanaansho.
bardadsanaansho ld bardadsanaan.
bardaq Qof buuran oo jir jilicsan leh.
bardaqsan Bardaq ahaansho (qof).
bardaqsanaan eeg bardaqsan. ld bardaqsanaansho.
bardaqsanaansho ld bardaqsanaan.
barde ld berde.
bardiil Hanti la siiyo qof awood maamul leh si weji looga helo.
bardooddamid eeg bardooddan². ld bardooddan¹, bardootamid, bardootan¹.
bardooddan (1) 1. bardootan 1. Ciyaar farakacayaar, legdiniyo is ceyrsi leh oo waqtiga la isaga lumiyo. 2. ld bardooddamid.
bardooddan (2) Ciyaar farakacayaar legdin iyo is ceyrsi leh ku maararroobid. ld bardootan².
bardootamid ld bardooddamid.
bardootan (1) ld bardoodan¹.
bardootan (2) ld bardooddan².
bare Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
bareeg Fariin.
bareer (1) 1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.
bareer (2) 1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.
bareerid eeg bareer². ld bareer¹, bareero.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>