fax2 Dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada bixid. faxal1 (bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal. faxal2 (baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo. faxal3 (bot.)Faxal sameyn. faxalside (baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
faxan Wax deeq badan ahaansho.
faxane Deeq badane (Ilaah).
faxdi 1. Deeq. 2. Qof deeqsi ah.
faxid eeg fax². ld faxis.
faxis ld faxid.
faxlid1 eeg faxal³. faxlid2 (bot.) Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax. faxlid tallow Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxalsidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda geed kale.
faxnaan eeg faxan. ld faxnaansho.
faxnaansho ld faxnaan.
faxshar1 ld facshar¹. faxshar2 ld facshar². faxsharid ld facsharid.
faxsharmid ld facsharmid.
fay1 1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees. fay2 Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho. fayaabi ld fayoobaan.
fayad ld fayo.
fayadaysan Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
fayadaysnaan eeg fayadaysan. ld fayadaysnaansho.
fayadaysnaansho ld fayadaysnaan.
fayadhawr (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. ld fayodhow.
fayaqab1 1. Xaalad jirro la'aaneed oo lagu suganyahay. 2. ld fayaqabid. fayaqab2 Xaalad caafimaadqab ku sugnaan. fayaqabid eeg fayaqab². ld fayaqab¹ (2).
page : 39 of 73
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>