Ereyga Maanta: waddoohiye
dhegala' Nafley aan wax maqlin ahaansho..
dhegala'aan eeg dhegala'.
dhegaley Nooc fallaarta ka mid ah leh laba ganood oo u jeeda gadaal.
dhegammari Is dh.: wax aan maqlin.
dhegammarin eeg dhegammari.
dhegannugeyl Dabci qof leeyahay oo u oggolaado in uu si sahlan u fuliyo wax la faray. ld dhegannuglaan.
dhegannuglaan eeg dhegannugul. ld dhegannugeyl, dhegannuglaansho.
dhegannuglaansho eeg dhegannuglow. ld dhegannuglaan.
dhegannuglow U dh.: qof waxa la faro si sahlan u qaata noqosho.
dhegannugul U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho.
dhegaqor (1) Summad idaha dhegta looga sameeyo iyadoo labada dhan ee dhegta in yar la gooynayo si ay caarad u yeelato.
dhegaqor (2) Ido, summad dhegaha uga samayn iyadoo labada dhan ee dhegta in yar la goynayo si ay caarad u yeelato.
dhegaqorid eeg dhegaqor².
dhegatir (1) ld dhegatirid.
dhegatir (2) Cid dhega beel ku ridid.
dhegatirid eeg dhegatir². ld dhegatir¹.
dhegawaddan 1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.
dhegawaddanaan eeg dhegawaddan. ld dhegawaddanaansho.
dhegawaddanaansho ld dhegawaddanaan.
dhegayare Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. qoronfol, qoronful.
dhegbas (1) Isku illaawidda sheeko dhegeysigeeda la isku illaawo. ld dhegbasid.
dhegbas (2) Ku dh.: sheeko dhegeysigeed isku illaawid.
dhegbasid eeg dhegbas². ld dhegbas¹.
dhegcas Dhasha yaryar oo nafleyda qaarkeed (lo', deero iwm).
dhegdheg 1. Qoyaan layiig ah oo wuxuu taabto qabsada sida xabagta iyo caanaha cinjirka iwm. 2. Baqbaqqa indhaha ama wasakh kale.
dhegdhegto Geed yar oo leh sabuul qodxo leh oo ku dhega wixii taabta.
dheged 1. Midab xoolaha dhanada iyo jaanka cuna ama dhirta qaarkeed daaqa ay gaafurka ku yeeshaan. 2. Carro cusboole ah. 3. Wasakh, uskag.
dhegeysad ld dhegeysasho.
dhegeysasho eeg dhegeyso. ld dhegeysad, dhegeysi.
dhegeysi ld dhegeysasho.
<< < 397 398 399 400 401 402 403 404 405 406 407 > >>