dhergane Bayd faal oo madaxa iyo majaha ku ah min hal, labada lugood oo dhexda ahna min labo.
dhergi Nafley, wax badan oo laga dhergo siin. ld dherji.
dhergid eeg dhereg³.
dhergin eeg dhergi. ld dherjin.
dheri Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
dheriggirgire Dheri weyn oo dhoobo ka samaysan oo reer miyigu marka ay alla bariga qabaan cuntada ku karsadaan. ld dherigirgire.
dherigirgire ld dheriggirgire.
dheriqore Ninka dheryaha ama dheriyada sameeya. ld dheryadhoob.
dherji ld dhergi.
dherjin ld dhergin.
dheryadhoob Dheriqore.
dheryadhulayn eeg dheryadhulee. ld dheryadhulays.
dheryadhulays ld dheryadhulayn.
dheryadhulee Si gaar ah hilib u hogeyn.
dheryasameeye Dheri- qore.
dhesteri Degmo. ld dhisteri.
dhex 1. Laba wax ama laba meelood kala barkood; bartan. 2. Inta u dhexeysa qaarka hore iyo qaarka dambe (nafley); sabar. dhexaad s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
dhex-aal Dhexjoogid.
dhex-xir Xarig yar, dhuuban, ka samaysan dun, mayrax iwm oo haweenka dhexda ku xirtaan.
dhex-xul Wax dhexmarid.
dhex-xulid eeg dhex-xul.
dhexaltooyo ld dhaxaltooyo.
dhexayn eeg dhexee.
dhexbeegid (xis.) Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
dhexboodbood Dad ama waxyaabo dhexdooda ku boodboodid.
dhexboodboodid eeg dhexboodbood.
dhexdeg (1) ld dhexdegid.
dhexdeg (2) Bartamaha tuulada ku noolaansho.
dhexdegid eeg dhexdeg². ld dhegdeg¹.
dhexdhac 1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.
<< < 401 402 403 404 405 406 407 408 409 410 411 > >>