Ereyga Maanta: cawirow
dhexmarsiin ld dhexmarin.
dhexmeeran (xis.) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).
dhexmuuqasho eeg dhexmuuqo.
dhexmuuqo Ka dh.: qof, wax dheeraad ah oo uu dadka kale kaga yahay muujin.
dhexnool Ku dh.: cid la dhaqmid.
dhexnoolaan eeg dhexnool. ld dhexnoolaansho.
dhexnoolaansho ld dhexnoolaan.
dhexoollaansho ld dhexoollid.
dhexoollid eeg dhex-aal. ld dhexoollaansho.
dhexqabasho eeg dhexqabo.
dhexqabo Ka dh.: nafley, nafley kale oo ay ku jirtay ka dhex saarid.
dhexroor (1) 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. ld dhexroorid.
dhexroor (2) (xis.) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor (3) (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
dhexroor (4) Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
dhexrooran Laba cad oo maro ah wax dhexroor loo yeelay ahaansho.
dhexroorid eeg dhexroor4. ld dhexroor¹ (4).
dhexroornaan eeg dhexrooran. ld dhexroornaansho.
dhexroornaansho ld dhexrooran.
dhexsaar Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka bixin.
dhexsaarid eeg dhexsaar².
dhexsoco Laba wax (ama laba melood ama laba qof) dhexdood marid.
dhexsocod eeg dhexsoco. ld dhexsocosho.
dhexsocosho ld dhexsocod.
dhexsocoto 1. Hadal yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo maansada qaybo loogu kala qaybiyo. 2. Dad dadka hadalka u kala qaada ama dawlad u adeega oo warka u geeya; jaasuus. 3. Dad si joogto ah, laba meelood isaga safra.
dhexsooc Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka mirid.
dhexsoocid eeg dhexsooc.
dhextaal Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. ld dhextaallo.
dhextaallo ld dhextaal.
dheyel (1) ld dhayal¹.
<< < 403 404 405 406 407 408 409 410 411 412 413 > >>