Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
feeraar Kala fogaan, kala durugsanaan.
feeraari Wax kala durgin. ld firaari.
feeraarin eeg feeraari. ld feeraaris, firaarin, firaaris.
feeraaris ld feeraarin.
feeraarsan Wax la feeraariyay ahaansho. ld firaarsan.
feeraarsanaan eeg feeraarsan. ld feeraarsanaansho, firaarsanaan, firaar-sanaansho.
feeraarsanaansho ld feeraarsanaan.
feeracaso Balag digir oo qoyaankii ka baxay si fiicanna aan u qallalin.
feerad ld feerasho.
feerafuglayn Hiqhiqlayn.
feerafuglee Hiqhiqlayn.
feerafuglo Hiqhiq.
feeragashi (1) Funaanad;garan ama shaati.
feeragashi (2) Derin, raar iwm oo weyn oo aqal soomaaliga labada docood ama mid laga geliyo marka la dhisayo.
feeran Wax la feeray ahaansho.
feerasho eeg feero. ld feerad.
feercalaan Feeraha midda ugu yar uguna dambaysa.
feerid eeg feer³.
feernaan eeg feeran. ld feernaansho.
feernaansho ld feernaan.
feero (1) Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feero (2) eeg feer¹; qaaxo.
feero (3) 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iwm jeexjeexasho.
feertamid eeg feertan².
feertan (1) 1. Ciyaar laba qof feer ay ku tartamaan. 2. Isdhaafsashada laba qof feer ku dagaallamaan.
feertan (2) 1. Laba qof feer ku tartamid. 2. Feer ku dagaallamid.
feertin ld feytin.
feeryahan Nin xeeladaha feerka yaqaan.
feetin Qori qallalan oo caarad dhuuban leh oo wax muda. ld feertin, feytin.
feex (daaw.) Buro carjaw ah, oogada nafleyda ka soo baxda jug hore oo gaartey awgeed. ld faax¹ (3), fayiix, fiix².
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>