Ereyga Maanta: teershari
hashuur  (juqr.) Xarriiqyo harayn oo gaagaaban oo khariidadda lagu dul sawiro si loo muujiyo farqiga u dhexeeya tiirada dhulka. Haddii tiiradu ay taagantahay xarriiqyadu waa dhumuc weynyihiin waana isku dhawyihiin; haddiise tiiradu ay sahlantahay, xarriiqyadu waa dhuudhuubanyihiin waana kala durugsanyihiin.
hasid  eeg has².
hataaqayn  ld hantaaqayn.
hataaqee  ld hantaaqee.
hataaqo  ld hantaaqo.
hataaqoo  ld hantaaqoo.
hataaqood  ld hantaaqood.
hataq  ld hantaq.
hataticid  ld hantaaticid.
haw1  Cod lagu muujiyo hororidda ama haliilidda. haw2  Cod lagu muujiyo dabeysha foorinteed. hawaan  Wax la is yeelsiiyo; xoog; dirqi; sandulle, khasab.
hawaar1  1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. ld hawaarid. hawaar2  Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto. hawaar3  Si barraaq ah u fariisasho (neef geel ah). hawaaran  1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. ld hawaarsan.
hawaari  Neef geel ah hawaar u yeelid.
hawaarid  eeg hawaar³. ld hawaar¹ (2).
hawaarin  eeg hawaari.
hawaarnaan  eeg hawaaran. ld hawaarsanaan. ld hawaarnaansho.
hawaarnaansho  ld hawaarnaan.
hawaarsan  Wax barraaq u fadhiya ahaansho. ld hawaaran.
hawaarsanaan  eeg hawaarsan. ld hawaarnaan, hawaarnaansho, hawaarsanaansho.
hawaarsanaansho  ld hawaarsanaan.
hawaawi1  1. Haynta niyadda lagu hayo wax helitaankooda. 2. ld hawaawiyid. hawaawi2  Wax si aad ah ugu fekerid. hawaawir1  Cod weyn oo xabbado la ridayo bixiyaan. hawaawir2  1. Si aan sugnayn u muuqasho (wax). 2. Caloolyow dareemid. 3. Ur xun urid (wax). hawaawiri  Hal riman candha keenid.
hawaawirid1  Rididda xabbado aan dan laga lahayn la rido.
page : 42 of 93
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>