feeyig 1. Wax digtoon ahaansho. 2. Wax dhiillo hayso ahaansho. ld feejig, feejigan, feeyigan, foojig, foojigan.
feeyigaan eeg feeyig. ld feejigaan, feejigaansho, feejignaan, feejignaansho.
feeyigaansho ld feeyigaan.
feeyigan ld feeyig.
feeyignaan ld feeyigaan.
feeyignaansho ld feeyigaan.
feeys Maro calal ama cutub mayrax ah oo lagu tirtiro weelasha la culo; catir, cidaad.
fejiciso ld fajiciso.
feker1 (afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. ld fakar¹, fikir¹. feker2 1. Fikrad raadin. 2. Wax maan ku hayn. ld fakar², fikir². fekerid eeg feker². ld fakarid, fikirid.
fekersan Wax fekeraya ahaansho. ld fakarsan, fikirsan.
fekersanaan eeg fekersan. ld fakarsanaan, fakarsanaansho, fekersa-naansho, fikir.
fekersanaansho ld fekersanaan.
fekersii Ka f.: qof feker ku abuurid. ld fakarsii, fikirsii.
fekersiin eeg fekersii. ld fakarsiin, fikirsiin.
fekrad Ra'yi. ld fikrad.
feleg 1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. ld falag.
fennid Wax feteshid.
fennidid eeg fennid.
fenooloji Sayniska ku shuqul leh raadka ay ku yeeshaan isbeddelka xilliyadu xoolaha iyo dhirtaba.
ferdan Wax fered ku dhacay ahaansho (qof).
ferdanaan eeg ferdan. ld ferda- naansho.
ferdanaansho ld ferdanaan.
ferdibax1 Iyadoo ruuxaan la adeegsanayo qof wax ka dahsoon loo sheego. ferdibax2 U f.: ruuxaan isku soo dejin si qof wax ka dahsoon loogu sheego. ferdibbixid eeg ferdibax².
ferdid eeg fered².
fered1 1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tus. “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar. fered2 Qof inkaar la helid.
page : 43 of 73
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>