Ereyga Maanta: hoolan
dhilliso Mindi, masaar, toorray iwm daab ka baxsasho. ld dhiliqso, dhilqiso, dhilqo.
dhillo 1. Naag jirkeeda ka ganacsata. 2. Dalagga digirta, meseggada, galleyda marka ay laba dhegood ka yihiin.
dhilloobid eeg dhillow.
dhillow Dhillo noqosho (naag).
dhilmaanyo 1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.
dhilmid eeg dhilan¹.
dhilnaan eeg dhilan². ld dhilnaansho.
dhilnaansho ld dhilnaan.
dhilo 1. Sabuul galley iwm qolof ka qaadasho. 2. Caaw iwm diir ka baxsasho. 3. Timo feerasho.
dhilowyahan Geed yar oo caleemo jilijilicsan leh oo geedaha ku dul baxa.
dhilqad ld dhillisasho.
dhilqasho ld dhillisasho.
dhilqe ld dhiqle.
dhilqi ld dhilli.
dhilqin ld dhillin.
dhilqis ld dhillin.
dhilqisad ld dhillisasho.
dhilqisasho ld dhillisasho.
dhilqiso (1) ld dhillis.
dhilqiso (2) ld dhilliso.
dhilqo ld dhilliso.
dhimaad 1. Dhimaal. 2. Wax sii dhimmaya.
dhimaal Waxyeello cid loo geesto.
dhiman (1) (baay.) Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.
dhiman (2) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. 2. Qof waalan noqosho.
dhiman (3) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho. 2. Qof waalan ahaansho.
dhimasho eeg dhimo.
dhimbiil ld dhimbil.
dhimbil 1. Dhulux yar oo nool (dab leh). 2. Raydabka mirihiisa curadka ah. ld dhimbiil.
dhimi ld danaq.
<< < 416 417 418 419 420 421 422 423 424 425 426 > >>