Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: ilgal
amarweynaan Kibir iyo isla weeyni badan. ld amarweyni.
amarweyni ld amarweynaan.
amayn (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
amba (1) Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban “ani” iyo “ba”.
amba (2) ld ama.
ambaal Raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanan wax u yeelin awrka.
ambabbax (1) 1. ld ambabbixid. Billowga socdaalka. 2. Lacag jidmar ah. 3. A. ah: qof markaa socdaal bilaabaya.
ambabbax (2) Qof socdaal billaabid.
ambabbaxsan Wax ambabbaxay ahaansho (cid).
ambabbaxsanaan eeg ambabbaxsan. ld ambabbaxsanaansho.
ambabbaxsanaansho ld ambabbaxsanaan.
ambabbixi 1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.
ambabbixid eeg ambabbax². ld ambabbax¹ (1).
ambabbixin eeg ambabbixi. ld ambabbixis.
ambabbixis ld ambabbixin.
ambad ld ambasho.
ambalaas Baabuur gaar ah oo loogu tala galay in si degdeg ah cid aad u jirran ama dhaawac ah loogu gaarsiiyo isbitaal.
ambaqaad (1) Billowga arrin ama dood taagan; meel ka qaadid, ka bilaabid. ld ambaqaadid.
ambaqaad (2) Ka a.: arrin ama dood taagneyd meel bilaabid; ka wadid.
ambaqaadid eeg ambaqaad². ld ambaqaad¹.
ambasho eeg ambo². ld ambad.
ambi 1. Cid jahada toosan ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si sahlan uga soo noqon karin geyn.
ambiiro ld bambiiro.
ambin eeg ambi.
ambiyeer (fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.
ambiyeer-beege (fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
ambo (1) Meel, jaho.
ambo (2) Cid waddada habboon ka lumid.
ambuul ld cambuul¹.
ameer ld abeer.
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>