qarxad ld qarxasho, qarxid.
qarxasho eeg qarxo. ld qarxad, qarxid.
qarxi Wax qarax ku burburin.
qarxid eeg qarax². ld qarxad, qarxasho.
qarxin eeg qarxi. ld qarxis.
qarxis ld qarxin.
qarxo Wax qarax sameyn.
qaryaan 1. Dadka u faaliya ama xiddigaha wax uga sheega ama si kale oo been ah wax uga cuna (qof); kaahin. 2. Waxyaqaan; abwaan.
qaryad Magaalo yar; tuulo; buulo. ld qaryo.
qaryo ld qaryad.
qas (1) 1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas (2) 1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.
qasaal (1) Q. ah: dhar dhaqmo galay.
qasaal (2) Mayrid, dhaqid.
qasaalan Wax la qasaalay ahaansho (dhar).
qasaalasho eeg qasaalo.
qasaalid eeg qasaal².
qasaalnaan eeg qasaalan. ld qasaalnaansho.
qasaalnaansho ld qasaalnaan.
qasaalo Dhar mayrasho.
qasaanqas (c.nafl.) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
qasaasil (1) 1. Q. ah: badar, bariis iwm oo dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo looga saaray. 2. ld qasaasilid.
qasaasil (2) Badar, bariis iwm dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo uga saarid. ld qasil².
qasaasilid eeg qasaasil². ld qasaasil¹, qasil¹ (2), qasilid.
qasab Geed leh quwaax sonkorta laga sameeyo, laanlaan ubaxa, alamo leh oo dhulka kulul ka baxa.
qasabad Dhuun dheer oo bir, caag ama wax kale ka samaysan oo biyaha iwm ay maraan.
qasac Weel yar oo macdan ama nooc kale oo bir ah ka samaysan oo cunnada iyo sharaabka lagu alxamo; daasad. ld qasacad.
qasacad ld qasac.
qasacadayn eeg qasacadee.
qasacadee Cunto, sharaab iwm qasac lagu shubay ku alxamid.
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>