dhowee 1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.
dhoweyn eeg dhowee. ld dhaweyn.
dhoweysad ld dhoweysasho.
dhoweysasho eeg dhoweyso. ld dhaweysad, dhaweysasho, dhaweysi, dhoweysad.
dhoweysi ld dhoweysasho.
dhoweyso Wax meel dhow keensasho. ld dhaweyso.
dhowow 1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.
dhowr ld dhawr¹.
dhows Nin laxaad weyn leh oo nacas ah.
dhowsnimo Dhows ahaansho.
dhoy Awoodda wax lagu garto; garaad. ld dhooy.
dhoydhoy Rays cusub.
dhoyla'aan Dhoy la'ahaanshada. ld dhooyla'aan.
dhoylaawe Qof caqli yar. ld dhooylaawe.
dhoys Qof aan tirsiimo lahayn; caaq.
dhubdhub 1. Meel la maro oo ciriiri ah. 2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
dhubuqdhubuq ld dhibiqdhibiq.
dhucay Dhalo ka yar dhaloyareyda oo qaadda saddex farshiid.
dhud (1) 1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.
dhud (2) (fiis.) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).
dhudhuhlayn ld dhuxdhuxlayn.
dhudhuhlee ld dhuxdhuxlee.
dhudhumi Wax dhudhun ku cabbirid.
dhudhumin eeg dhudhumi. ld dhudhumis.
dhudhumis ld dhudhumin.
dhudhun 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
dhudhunkutaagle Qof gacmihiisa aad u xoog badanyihiin.
dhudhunsad ld dhudhunsasho.
dhudhunsan Wax la dhudhumiyey ahaansho.
dhudhunsanaan eeg dhudhunsan. ld dhudhunsanaansho.
<< < 426 427 428 429 430 431 432 433 434 435 436 > >>