basari (1) Baali; areebo; arraajo.
basari (2) Qof si tab iyo xeelad leh u qancin.
basarikibir Qab iyo isla weynaan ka muuqda haweeney baali ah.
basarin eeg basari².
basarlow Qof caqli badan oo arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.
basarxumaan eeg basarxun. ld basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.
basarxumaansho eeg basarxumow. ld basarxumaan.
basarxumi ld basarxumaan.
basarxumo Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. ld basarxumaan.
basarxumow Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.
basarxun Qof aan basar wacan lahayn ahaansho.
basbaas Geed-nagaar la beerto oo dhala miro dhuudhuuban oo kulul oo cuntada lagu darsado. ld bisbaas.
bash (1) Guddi ka kooban shan oday oo hoos yimaada dawladda ingiriiska.
bash (2) 1. Biyo b. ka sii: biyo ku firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah dharbaaxo qof ugu dhufasho.
bashaash B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
bashaashad B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
bashaashnimo Bashaash ahaansho.
bashaqle (bot.) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
bashbash Barwaaqo badan.
bashiic Meel xirnayd oo in yar la furo si hawo ama iftiin uga soo galo. ld bishiic.
bashiican Wax la bashiiciyey noqosho. ld bishiican.
bashiici Meel xirnayd in yar furid (albaab iwm). ld bishiici.
bashiicin eeg bashiici. ld bishiicin.
bashiicmid eeg bashiican. ld bishiicmid.
bashiicsan Wax la bashiiciyey ahaansho (albaab iwm). ld bishiicsan.
bashiicsanaan eeg bashiicsan. ld bashiicsanaansho, bishiicsanaan, bishiicsanaansho.
bashiicsanaansho ld bashiicsanaan.
bashiishad 1. Neef la rabay in la ogaado kolkuu dhalayo, oo cidla ku dhala. 2. Arrin aan sidii la rabay noqon oo aan lagu liibaanin. 3. ld bashiishasho.
bashiishasho eeg bashiisho. ld bashiishad (3).
bashiishirad ld bashiishirasho.
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>