Ereyga Maanta: liifmid
danqin ld danqid.
danqo Boog, nabar iwm. wax dhiig ama dhacaan laga keenay noqosho. ld damqo, daqmo, daqno.
dansan Dab, nal iwm wax bakhtiyey ahaansho. ld densan.
dansanaan eeg dansan. ld dansanaan-sho, densanaan, densanaan -sho.
dansanaansho ld dansanaan.
danseeg (1) Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo. ld danseegid.
danseeg (2) Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin.
danseegid eeg danseeg². ld danseeg¹.
danseeji Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
danseejin eeg danseeji. ld danseejis.
danseejis ld danseejin.
dansheegad ld dansheegasho.
dansheegasho eeg dansheego. ld dansheegad.
dansheego U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
danwadaag 1. Dad isku degaan ah oo wadaaga heshiis nabadgelyo. 2. Dad isku degaan ah oo dan gaar ahaaneed ka dhexeyso.
danyar (1) Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. ld dabyar.
danyar (2) Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax dhaafsiisan nolol maalmeedka ahaansho.
danyaraan eeg danyar². ld danyari, danyaro.
danyari ld danyaraan.
danyaro ld danyaraan.
daqan ld danaq.
daqaqamid eeg daqaqan². ld daqaqan¹.
daqaqan (1) Socod meel aan guriga ka fogeyn lagu gaaro; faalal. ld daqaqamid.
daqaqan (2) U d.: Meel aan guriga ka fogeyn socod ku gaarid.
daqar (1) Dhaawac madaxa gaara oo aan lafta jebin. ld dakhar¹.
daqar (2) Qof, dhaawac aan lafta jebin madaxa ka gaarsiin. ld dakhar².
daqarasoon Hanti sako ahaan loo bixiyo marka Soonku dhammaado. ld dagarasoon, daqarsoon.
daqarsoon ld daqarasoon.
daqay Muruq ku yaal laf dhabarta labadeeda dhinac.
daqiiji Wax buda ka dhigid.
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>