fiiq2 ld fuuq². fiiq3 1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid. fiiqan1 1. Wax dubka laga qaaday noqosho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay noqosho. fiiqan2 1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho. fiiqasho eeg fiiqo.
fiiqid eeg fiiq³.
fiiqmid eeg fiiqan¹.
fiiqnaan eeg fiiqan². ld fiiqnaansho.
fiiqnaansho ld fiiqnaan.
fiiqo 1. Wax dub ka qaadasho. 2. Wax caarad dhuuban u yeelasho. 3. Meel qashin ka xaarasho.
fiiqsad ld fiiqsasho.
fiiqsasho eeg fiiqso. ld fiiqsad, fiiqsi.
fiiqsi ld fiiqsasho.
fiiqsii Hoore cid aayar kabbisiin.
fiiqsiin eeg fiiqsii.
fiiqso Hoore aayar kabbasho.
fiiqtamid eeg fiiqtan². ld fiiqtan¹ (3).
fiiqtan1 1. Kabbaysi aayar-aayar ah oo caano loo wadaago. 2. Si tartiib ah oo caano loo dhamo. 3. ld fiiqtamid. fiiqtan2 1. Kabbaysi aayar-aayar ah caano u wadaagid. 2. Si tartiib ah caano u dhamid. fiiqtin Qori af dhuuban oo wax mudi kara.
fiiqtukaale Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.
fiiqtukaalee Fiiqtukaale samayn.
fiiqtukaaleyn eeg fiiqtukaalee.
fiiqtukaaleysad ld fiiqtukaaleysasho.
fiiqtukaaleysasho eeg fiiqtukaaleyso. ld fiiqtukaaleysad.
fiiqtukaaleyso Caano si fiiqtukaale ah u dhamid.
fiir1 Nacayb loo muujiyo nafley meel ku cusub. fiir2 Nafley meel ku cusub nacayb u muujin. fiiradarro Caqli gaabni, fahmayaro.
fiiradheer Wax garasho wanaagasan ahaansho (qof).
page : 49 of 73
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>