Ereyga Maanta: gurxan
dulmin ld dulmiyid.
dulmisan ld dulman.
dulmisanaan ld dulmanaan.
dulmisanaansho ld dulmanaan.
dulmiyid eeg dulmi². ld dulmid, dulmin.
dulnool Ku d.: qof ka faa'iidaysasho; qof dhiigmiirasho.
dulnoolaan eeg dulnool. ld dulnoolaansho.
dulnoolaansho ld dulnoolaan.
dulqaad Dhabta oo loo adkaysto; sabir.
dulqaadad ld dulqaadasho.
dulqaadasho eeg dulqaado. ld dulqaadad.
dulqaado U d.: sabir yeelasho.
dulqami Ka d.: cid in ay hadal badan oo aan laga fiirsan tiraahdo ku khasbid.
dulqamid ld dalqamid.
dulqamin eeg dulqami.
dulqan (1) ld dalqan¹.
dulqan (2) ld dalqan².
dulsaar (1) 1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid.
dulsaar (2) Ood weyn oo godaha laga keymamiyo.
dulsaar (3) 1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin.
dulsaaran (1) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho.
dulsaaran (2) Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho.
dulsaarid eeg dulsaar³. ld dulsaar¹ (5).
dulsaarmid eeg dulsaaran¹.
dulsaarnaan eeg dulsaaran². ld dulsarnaansho.
dulsaarnaansho ld dulsaarnaan.
dulsaaro Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhisasho.
dulsabbayn eeg dulsabbee.
dulsabbee Heehaabid.
duluble ld dulugle.
<< < 476 477 478 479 480 481 482 483 484 485 486 > >>