Ereyga Maanta: waddoohiye
dumnaan eeg duman². ld dumnaansho.
dumnaansho ld dumnaan.
dumnad ld dubnad.
dun (1) Liilimo laga soohay cudbi, dhogor, xariir iwm oo laga sameeyo dharka, meeshii ka dillaacdana lagaga tolo.
dun (2) D. ah: caws qallalan oo weli daaq ku habboon.
dun (3) (umay, -untay; -umi) Dad ama xoolo meel isugu ururin.
dun (4) 1. Dhisme iwm burburid. 2. Gabbal dhicid.
dundumid ld diddimid.
dundumo ld duddun.
dundumo-yulug ld duddumo-yulug.
dundun (1) ld diddin¹.
dundun (2) Mawduuc, arrin, baab.
dundun (3) ld duddun.
dundun (4) ld diddin².
duni Koon; adduun.
dunida saddexaad Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.
dunji Halka wax ka soo farcamaan.
dunmid eeg duman¹.
dunnayn eeg dunnee.
dunnee Gacan duuban cid si xoog ah ugu dhufasho.
dunno Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.
dunqaare 1. Dalool yar oo weel caanoodka loo yeelo. 2. ld dunqaaro (1).
dunqaaree Weel-caanood dalool yar u yeelid.
dunqaareyn eeg dunqaaree.
dunqaaro 1. ld dunqaare. Caws dhaadheer oo dooxooyinka ka baxa. 2. Waxa Eebbe abuuray ee aan dadka ahayn.
dunsan Wax la dumiyey ahaansho.
dunsanaan eeg dunsan. ld dunsanaansho.
dunsanaansho ld dunsanaan.
Dunugle eeg qaxooti; dalow.
dunuunuc (1) ld gunuunuc¹.
<< < 479 480 481 482 483 484 485 486 487 488 489 > >>