Ereyga Maanta: nacaal
ee (2) Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa.
eebasho eeg eebo².
eebbe Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne.
eebo (1) 1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.
eebo (2) Magangelid (qof).
eed (1) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed (2) Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
eedaad (1) 1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran.
eedaad (2) 1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.
eedaadid eeg eedaad².
eedaamid ld aadaamid.
eedaan (1) ld aadaamid.
eedaan (2) ld aadaan².
eedaq Caano garoor ah.
eedayn eeg eedee. ld eedays.
eedays ld eedayn.
eedaysan Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.
eedaysane Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.
eedaysasho eeg eedayso. ld eedaysi.
eedaysi ld eedaysasho
eedaysnaan eeg eedaysan. ld eedaysnaansho.
eedaysnaansho ld eedaysnaan.
eedayso Eed isu jeedin.
eedbax (1) E. ah: wax uu isku daafaco qof eed lo haysto.
eedbax (2) Cid eed loo haystay iska daaficid.
eedbixid eeg eedbax².
eeddo 1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
eedee Cid eed u jeedin.
eedid eeg eed². ld eedis.
eedis ld eedid.
<< < 492 493 494 495 496 497 498 499 500 501 502 > >>