daraasoBaaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. ld daraasad, diraaso.
daraawiish1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
darab11. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab21. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.
darab31. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.
darabdhaqashold darabqaadasho.
darabdhaqold darabqaado.
darabqaadashoeeg darabqaado. ld darabdhaqasho.
darabqaadoSaxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo.
daradhig11. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
daradhig2Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
daraf1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.
daragadld dargad.
darajeeQof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.
darajeyneeg darajee. ld derejeyn.
darajo11. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.
darajo21. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.
daran1Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.
daran2Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan².
daran31. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³.
darancadNooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda.
darandawacoNooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn.
darandoorri11. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.
darandoorri21. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
darandoorrinld darandoorriyid.
darandoorrisld darandoorriyid.
darandoorriyideeg darandoorri². ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.
darangeeXoolo, meel daran leh daajin.
darangeelNooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.
darangeyneeg darangee.
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>