Ereyga Maanta: ilgal
baydad (1) 1. ld beygag 1. Cabsi kedis ah oo wax cabsi lahayn ka didda. 2. ld baydadid.
baydad (2) Cabsi badan awgeed cararid. ld beygag².
baydadi Nafley baydad ku ridid. ld beygagi.
baydadid eeg baydad². ld beydad¹, beygag¹,beygagid.
baydadin eeg baydadi. ld beygagin.
baydari Nin nishaabta aad u yaqaan; hargaanti.
bayddi Barwaaqo badan.
baydi Neef la rarayo bayd ku xirid.
baydin eeg baydi.
baydwalaal Laba bayd faal ama ka badan oo tirada hogaha iskala eg, dhigiddana ku kala duwan.
bayhoof (1) B. ah: qof busaaradi hayso oo baahidiisa meel uu la aado aan garanayn.
bayhoof (2) Qurbe dhibaato kala kulmid; qof busaarad, rafaad iyo dhibaato dhaqaale la kulmid.
bayhoofid eeg bayhoof.
bayhoofsan Cid bayhooftay ahaansho.
bayhoofsanaan eeg bayhoofsan. ld bayhoofsanaansho.
bayhoofsanaansho ld bayhoofsanaan.
bayid Wax qurxin.
bayidid eeg bayid.
bayl (1) 1. Suun ballaaran, cad oo dun ama maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu qaataan. 2. B. ah: biyo aad loo karkariyay. 3. B. ah: midab aad u cad.
bayl (2) Biyo aad u karkarid.
baylah 1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
baylahayn ld baylihin.
baylehee ld baylihi.
bayli Biyo aad u karkarin.
baylid eeg bayl².
baylihi Hanti baylah ka dhigid. ld baylehee.
baylihin eeg baylihi. ld baylahayn.
baylin eeg bayli. ld baylis.
baylis ld baylin.
baylohoobid eeg baylohow.
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>