fildarnaan eeg fildaran. ld fildarnaansho.
fildarnaansho ld fildarnaan.
fildarro Foolxumo.
filfil Miro yaryar, madmadow leh dhadhan kulul oo uu dhalo geed faalala oo ka baxa dhulka kulul.
filfili 1. Wax filfil ku darid. 2. Cid dhibaato gaarsiin.
filfilin eeg filfili.
filfillaa Xabag cadaadeed, weli aan adkaan oo marka la cuno lagu dibbiro.
filgan1 ld filgin. filgan2 Wax la filgay ahaansho. filgasho eeg filgo.
filgid eeg filig².
filgin 1. Qori xooggan oo afka loo dhuubo si wax loogu qodo. 2. Guntin ay wax ku guntadaan haweenka oo ah dacal hoosaadka googaradda. ld filgan¹.
filgo Wax meel ka baarasho.
filid eeg fil². ld filitaan (1).
filig1 1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo. filig2 1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid. filim ld filin .
filin 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. ld filim.
filiq Wax sayrin.
filiqsan Wax la filqay ahaansho. ld firiqsan.
filiqsanaan eeg filiqsan. ld filiqsanaansho, firiqsanaan, firiqsa- naansho.
filiqsanaansho ld filiqsanaan.
filiqsanaanta-qawmiyadaha (juqr.) Barashada sayniseed ee fliqsanaanta goboleed ee faracyada ama jinsiyadaha bani-aadamka iyo dhaqamadooda.
filitaan ld Filid; ld filasho.
fillamid eeg fillan². ld fillan¹.
fillan1 ld fillamid. fillan2 Ku f.: dhib ama hawl ama wax la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid. filnaan eeg filan. ld filnaansho.
filnaansho eeg filnow. ld filnaan.
filnaysii Ku f.: wax, wax kale deeqsiin.
page : 52 of 73
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>