higaagnaan eeg higaagan². ld higaagnaansho.
higaago Weel higaag ku dhuujisasho.
higgaad Ku dhawaaqidda ama qoridda xuruufta erey ka koobanyahay. ld hikaad, hingaad.
higgaadi Xuruufta erey ka koobanyahay qorid ama ku dhawaaqid. ld hikaadi.
higgaadin eeg higgaadi. ld higgaadis, hikaadin, hikaadis, hingaadin, hingaadi.
higgaadis ld higgaadin.
higgasho ld hingood.
higgo (1) ld hingo¹.
higgo (2) ld hingo².
higgoo ld hingoo.
higgood ld hingood.
higil Muuqaal meel fog laga arko oo aan la sixi karin waxa uu yahay.
higley ld higlo.
higlo Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, weligiis cagaaran, miro la cunana leh. ld higley.
higsasho eeg higso.
higso Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho.
hiif (1) Ereyo huruuf ku jiro oo loo jeediyo cid aan la jeclayn. ld huuf¹.
hiif (2) Ereyo huruuf ku jiro cid aan la jeclayn u jeedin. ld huuf².
hiifid eeg hiif². ld huufid.
hiig Harag, suun iwm hiige ku xoqid.
hiigasho eeg hiigo.
hiige Qori, bir iwm oo hargaha, saamaha iwm lagu jilciyo.
hiigid eeg hiig.
hiigo Meel isku xoqid (xoolo)
hiihiile Mariid waabaayo daran leh.
hiijo Nac iyo colaad ku dhalata qof wax la gaarsiiyo.
hiil Digo xoolaad oo uruurtay.
hiil (1) Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. ld hiillo.
hiil (2) ld hiili.
hiilee Dab iwm hiil ku shubid.
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>