Ereyga Maanta: nohnoh
gabniin ld gabid.
gabno ld gabbaan².
gaboobid eeg gabow².
gabood Dulmi; gardarro, eex.
gaboodfal (1) 1. Gardarro bareer ah oo cid lagu sameeyo. 2. ld gaboodfalid.
gaboodfal (2) Ku g.: gardarro bareer ah cid ku samayn.
gaboodfalid eeg gaboodfal². ld gaboodfal¹ (2).
gabooley Ragga gabooyaha ku hubeysan.
gabooy ld gaboy.
gabooyaale Qof gabooye ku ugaarsada. ld gabooyaaley.
gabooyaaley ld gabooyaale.
gabooye Galka fallaaraha lagu rito; qule. ld gabooyo.
gabooyo ld gabooye.
gabow (1) Duqnimo iyo da'weyni nafleydu gaarto markay muddo dheer noolaato.
gabow (2) 1. Muddo badan noolaansho. 2. Da'weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid.
gabowsho Gabow; gaboobid.
gaboy (gaboy, m.dh) Qof ugaarsiga ku nool. ld gabooy.
gabraar (1) Nin ugaarsada.
gabraar (2) Dabidda, qabashada iyo laynta ugaarta.
gabraarad ld gabraarasho.
gabraarasho eeg gabraaro. ld gabraarad.
gabraarato Dad ugaarsiga ku nool.
gabraaro Ugaar laysasho.
gabramid eeg gabran¹.
gabran Wax badan oo meel wada fadhiya noqosho.
gabran (1) Wax la khayaamay ahaansho (cid).
gabranaan eeg gabran. ld gabaarnaan, gaabaarnaansho, gabra naansho.
gabranaan (1) eeg gabran. ld gabranaansho.
gabranaansho ld gabranaan.
gabrar Caalir.
<< < 585 586 587 588 589 590 591 592 593 594 595 > >>