shaqlanaan eeg shaqlan. ld shaqla-naansho.
shaqlanaansho ld shaqlanaan.
shaqlid eeg shaqal².
shaqo Wax kasta oo gacanta ama qalab kale lagu qabto, si faa'iido ama dan laga lahaa looga gaaro; hawl, shuqul.
shaqojoojin Diidmo ay shaqaaluhu ku diidayaan in ay wadaan shaqada, ayaga o codsanayaan lacag dheeraad, ama xaalad ka wanaagsan tii hore.
shaqoli'i Hayn la'aanta aan shaqo la hayn.
shaqoqorid Shaqaalo qoridda.
shaqshaq (1) Shay indho yaryar oo daldaloola leh oo budada iyo buunshada badarka lagu kala bixiyo.
shaqshaq (2) Wax shaqshaq ku kala saarid.
shaqshaqid eeg shaqshaq².
shar Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.
sharaab (1) Hoore la cabbo; cabbitaan.
sharaab (2) Hoore cabbid.
sharaabid eeg sharaab².
sharaamiid eeg sharmuuto.
sharabaad Hu'ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iwm oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. ld sharabaaddo.
sharabaaddo ld sharabaad.
sharad (1) 1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. ld shardi, shirad.
sharad (2) Nidar gelid.
sharaf (1) Magac; xurmo; haybad; maamuus.
sharaf (2) Qof xurmayn.
sharafdhac (1) Maamuus xumo qof gaarta.
sharafdhac (2) Cid maamuus jebid.
sharafdhicid eeg sharafdhac².
sharafjab (1) ld sharafdhac¹.
sharafjab (2) Cid maamuus jebid.
sharafjebi Cid sharafteeda wax u dhimid.
sharafjebid eeg sharafjab².
sharafjebin eeg sharafjebi.
sharaq (muus.) Biro laysku garaaco oo muusiko ahaan loo adeegsado ciyaaraha qarkood; yaambooyin.
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>