Ereyga Maanta: ebyan
masayrtir (2) Haweenay masayrsan hanti siin si loo raalliggeliyo.
masayrtirid eeg masayrtir².
mascaanood (c.nafl.) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
mascadde (c.nafl) Nooc masaska ka mid ah oo midab cad leh.
masciideed (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
masdar (nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.
masdarad Qori xalleefsan oo qaybo isle'eg qaybsan, oo wax lagu cabbiro, ama xarriiqaha lagu sadriyo. ld masdaro, mastarad, mastaro.
masdaro ld masdarad.
mase (1) 1. ld mise 1. Laba wax ama ka badan oo isku mid ah ama isu dhigma. 2. Sinnaan.
mase (2) (nax.) Eray lagu xiriiriyo labada dhinac ee weyddiinta. Tus. “Ma midigta mase waa bidixda?”, “Cali mase Faarax?”. ld mise².
masee ld misee.
maseyn ld miseyn.
masgeesaale Gungume.
mashaa'ikh eeg shiikh.
mashaakil eeg mushkilad.
mashaariic eeg mashruuc.
mashaqayn eeg mashaqee.
mashaqaysan Wax mashaqo hayso ahaansho.
mashaqaysnaan eeg mashaqaysan. ld mashaqaysnaansho.
mashaqaysnaansho ld mashaqaysnaan.
mashaqayste Qof shaqa la'aanta jecel oo cajislow ah.
mashaqee Wax mashaqo ku abuurid.
mashaqo (1) Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad.
mashaqo (2) (fiis.) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaab-dooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah.
mashaqoobid eeg mashaqow.
mashaqow Mashaqo haleelid.
masharaaf Tuubbo dheer oo macdan ama balaastig ah, guryaha dushooda ka soo dejisa biyaha roobka oo keenta dhulka si aan biyuhu guriga wax u yeelin; maracaad; manjarrar. ld masharafad.
masharafad ld masharaaf.
mashashuur (1) ld mashashuurid.
mashashuur (2) Is m.: xishood badan oo ismacnayni ku jirto yeelasho. ld mansahshuur².
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>