Ereyga Maanta: dalankacee
shareeco Axkaamta diinta islaamka.
shareer (1) 1. Wax, wax kale lagu qariyo. 2. Sh. ah: meel hawd ah oo dhir badan oo aan la dhex mari karin. 3. Wax dheer sida buuraha, geedaha, dhis-mooyinka iwm meesha ugu sarraysa.
shareer (2) Buur dhaladeeda.
shareer (3) Wax qarin.
shareeran (1) 1. Wax la qariyey noqosho. 2. Wax la awday noqosho.
shareeran (2) 1. Wax la qariyey ahaansho. 2. Wax la awday ahaansho.
shareerid eeg shareer³.
shareermid eeg shareeran¹.
shareernaan eeg shareeran². ld shareernaansho.
shareernaansho ld shareernaan.
shareero (1) (muus.) Qalab muusikada lagu tumo oo xargo yaryar oo silig ah leh oo sida kitaaradda looga dhawaajiyo.
shareero (2) 1. Wax qarsasho. 2. Weji dhar ku daboolasho.
sharfid eeg sharaf².
shariif 1. Qof ka soo jeeda faracii Faadumo Rasuul. 2. Qof suubban oo asluub wanaagsan.
shariifnimo Shariif ahansho.
shariig Qof jiritaanka Alle cid kale la wadaajiyey.
shariignimo Shariig ahaansho.
shariigyeel ld sharii-kyeel.
shariigyeelid ld shariikyeelid.
shariikyeel U sh.: Cibaadada Eebbe ruux kale la wadaajin. ld shariigyeel.
shariikyeelid eeg shariikyeel. ld shariigyeelid.
shariir Baruur subaggii laga shiilay. ld sharriir.
sharikad ld shirkad.
sharixid ld sharxid.
sharmuuto Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo; qaxbo.
sharoobo Daawo qasan oo afka laga cabbo. ld shiroobo.
sharookh Nooc aragoostaga ka mid ah.
sharqaan ld harqaan.
sharqaanle ld harqaanle.
sharqami ld sanqari.
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>