haawad ld haawasho.
haawasho eeg haawo. ld haawad.
haawey Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
haawi Weel af bannaan dabayl u dhigid.
haawid eeg haaw².
haawilood Uurjiifka libaax badeedka.
haawin eeg haawi. ld haawis.
haawis 1. Hardaf dheer. 2. ld haawin.
haawiya Naar ka mid ah toddobada naarood.
haawo 1. Weel af bannaan dabayl qaadasho. 2. Si qarsoodi la'aan ah wax u sheegid.
haayid Nooc kalluunka ka mid ah.
haayir (1) 1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid.
haayir (2) ld haajir².
haayirid ld haajirid.
hab (1) 1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. ld habid.
hab (2) (nax.) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.
hab (3) Habsiin.
hab (4) 1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.
hab-farsamadeed 1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
hab-kulxidh (fiis.) Hab kul daynaa-mikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
habaab H. ah: dabinkabood; lumid. ld habow¹ (2).
habaabi Qof marinka toosan ka weecin.
habaabid eeg habow². ld habow¹.
habaabin eeg habaabi. ld habaabis.
habaabis ld habaabin.
habaar (1) Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaar (2) Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.
habaaran (1) Wax habaar ku dhacay ahaansho.
habaaran (2) Wax habaar ku dhacay noqosho.
habaarid eeg habaar².
<< < 677 678 679 680 681 682 683 684 685 686 687 > >>