Ereyga Maanta: keni
axadeysi Durraamo yar oo ay haweenku sameeyaan.
axadeyso Haween axadeysi sameyn.
axadh (1) 1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.
axadh (2) Arrin si aad ah u lafagurid.
axadhid eeg axadh².
axal (1) Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska.
axal (2) Hoore adag oo is-haysta oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada marka ay jirradaan ama xubnaha taranka waqtiga dhalmada.
axan (1) Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan (2) Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin.
axar 1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
axaran Arrin iwm wax la axaray ahaansho. ld axran.
axarid eeg axar.
axarnaan eeg axaran. ld axarnaansho, axranaan, axranaansho.
axarnaansho ld axarnaan.
axdi Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld cahdi.
axgab (1) 1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld axgabid.
axgab (2) Nafley jirro, gabow, daal iwm la tabarbeelid.
axgabid eeg axgab². ld axgab¹ (2).
axkaan 1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
axmaq Qof aan caqli badan lahayn; nacas, dabbaal.
axmaqnimo Axmaq ahaansho.
axmid eeg axan².
axran ld axaran.
axranaan ld axaranaan.
axranaansho ld axarnaan.
axrid eeg axar.
axsaab eeg xisbi.
axsaan Samo cidi u gasho cid kale.
axsantu ld asxantu.
axwaal eeg xaal¹.
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 > >>