Ereyga Maanta: tartabo
hawaari Neef geel ah hawaar u yeelid.
hawaarid eeg hawaar³. ld hawaar¹ (2).
hawaarin eeg hawaari.
hawaarnaan eeg hawaaran. ld hawaarsanaan. ld hawaarnaansho.
hawaarnaansho ld hawaarnaan.
hawaarsan Wax barraaq u fadhiya ahaansho. ld hawaaran.
hawaarsanaan eeg hawaarsan. ld hawaarnaan, hawaarnaansho, hawaarsanaansho.
hawaarsanaansho ld hawaarsanaan.
hawaawi (1) 1. Haynta niyadda lagu hayo wax helitaankooda. 2. ld hawaawiyid.
hawaawi (2) Wax si aad ah ugu fekerid.
hawaawir (1) Cod weyn oo xabbado la ridayo bixiyaan.
hawaawir (2) 1. Si aan sugnayn u muuqasho (wax). 2. Caloolyow dareemid. 3. Ur xun urid (wax).
hawaawiri Hal riman candha keenid.
hawaawirid (1) Rididda xabbado aan dan laga lahayn la rido.
hawaawirid (2) eeg hawaawir².
hawaawirid (3) Xabbado bilaash u ridid.
hawaawiridid eeg hawaawirid³.
hawaawirin eeg hawaawiri.
hawaawiyid eeg hawaawi². ld hawaawi¹ (2).
hawadi Wax si tartiib ah u wadid.
hawadin eeg hawadi. ld hawadis.
hawadis Neef xoolo ah sabaalin. ld hawadin.
hawaggeddi U h.: cid meel ay ku nasato ama cafimaadka hesho geyn.
hawaggeddin eeg hawaggeddi. ld hawaggeddis (2).
hawaggeddis 1. Tegidda laga tago meel, oo la aado meel ka hawo duwan, si loo nasto ama caafimaad looga helo. 2. ld hawaggeddin.
hawakac (1) ld hiyikac¹.
hawakac (2) ld hiyikac².
hawakicid ld hiyikicid.
hawammareen Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
hawd 1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.
<< < 715 716 717 718 719 720 721 722 723 724 725 > >>