Ereyga Maanta: umaamadan
hawee 1. Wax fallisid. 2. Wax hammi gelin.
haween Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
haweeney Qof dumar ah oo la guursaday.
haweyn eeg hawee. ld haweys.
haweys ld haweyn.
haweysad ld haweysasho.
haweysasho eeg haweyso. ld haweysad, haweysi.
haweysi ld haweysasho.
haweyso Hawo ka gelid; niyaysasho; isu qaadid.
hawir (1) 1. Gelinta wax khatar la geliyo. 2. Dhibaato weyn oo wax loo gaysto. 3. ld hawirid.
hawir (2) 1. Wax halis gelin. 2. Wax dhibaato weyn u geysasho.
hawiran (1) Wax dhibaato weyn gaartay noqosho.
hawiran (2) 1. Wax halis la geliyey ahaansho. 2. Wax dhibaato weyn loo geystay ahaansho.
hawirid eeg hawir². ld hawir¹ (3).
hawirmid eeg hawiran¹.
hawirnaan eeg hawiran². ld hawir-naansho.
hawirnaansho ld hawirnaan.
hawkar Dhibaato, daal, cabsi iwm oo lagala kulmo socdaal.
hawl (1) Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay.
hawl (2) Waxqabad ujeeddo leh oo la adeegsanayo muruq, maskax iwm; shaqo.
hawl (3) 1. Qof shaqo u yeelid. 2. Cid dhibaateyn.
hawl-abuur Hawl abuurid.
hawl-obtikeed (fiis.) Awoodda ay u leeyihiin iskudhisyada qaarkood in ay ku wareegaan sallaxa ciriflanimada ee sallax ilays cirifaysan marka ilays la dhex mariyo. H.o.da waxaa laga arki karaa wiriqaha, neefaha, hoorarka iyo milannada.
hawlaysan Qof shaqo haya ahaansho.
hawlaysnaan eeg hawlaysan. ld hawlaysnaansho.
hawlaysnaansho ld hawlaysnaan.
hawldabre Qof ama wax shaqo curyaamiya.
hawldiid Qof shaqo neceb. ld hawldiiddo, hawldiidid.
hawldiiddo Necbaanta hawsha la necbaado. ld hawldiid.
hawldiidid ld hawldiid.
<< < 716 717 718 719 720 721 722 723 724 725 726 > >>