Ereyga Maanta: jirranaan
hundudid eeg hundud. ld rundudid.
hunfey Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iwm dafta; dafo.
hungee Cid hungo badid.
hungeyn eeg hungee.
hungid ld hongid.
hungo 1. Meel aan waxba oollayn. 2. ld hingo¹.
hungod ld hongod.
hungoobid eeg hungow.
hungow Cid wax seegid.
hunguri (1) 1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. ld hunguri-cad. 2. Cun-to.
hunguri (2) (c.nafl.) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. ld hungiri-cad.
hunguricad (1) 1. Xubin dhuunta ka mid ah oo neeftu marto. 2. ld hunguri.
hunguricad (2) (c.nafl.) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan.
hungurijuqjuq Rabitaan dheeraad ah oo cid ku dhaliya in ay cuntada sugi weydo.
hunguriweyn Qof dhuuni ah ahaansho.
hunguriweynaan eeg guriweyn. ld hunguriweynaansho, hunguriweyni.
hunguriweynaansho ld hunguri-weynaan.
hunguriweyne Qof dhuuni ah.
hunguriweyni ld hunguriweynaan.
hungurixume Qof dhuuni ah.
hungurixumo Si xun oo wax loo doono.
hunguriyee Wax damcid.
hunguriyeyn eeg hunguriyee.
hunguriyoo U h.: wax damcid (qof).
hunguriyood eeg hunguriyoo.
hunnati 1. Sun qatar ah. 2. Waxmatare.
hunnuhunnu 1. Hadal hoos loo yiri oo aan si wacan loo maqlayn. 2. War aan la hubin.
hunqaac Mantagid.
hunqaaci Qof mantajin.
hunqaacid eeg hunqaac.
<< < 760 761 762 763 764 765 766 767 768 769 770 > >>