Ereyga Maanta: tamar
shukaysasho eeg shukayso. ld shu-kaysad.
shukaysnaan eeg shukaysan. ld shu-kaysnaansho.
shukaysnaansho ld shukaysnaan.
shukayso Haweeney shuko xirasho.
shuko Maro badanaa midab madow leh oo dumarka muslinka ahi qaataan oo oogada dhan wada qarisa; shaadir.
shukul (1) Tumidda badar kal iyo mooye lagu tumo si isha looga bixiyo. ld sukul¹.
shukul (2) 1. Wax sukuliye ku tumid. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar tumid. 3. Digir duban qob ka qaadid. ld sukul².
shukulaato Nooc macmacaanka ka mid ah oo midab bunni ah leh lana cuno.
shukulan (1) Nooc maansada ka mid ah oo markii la qaadayo lacayaaro.
shukulan (2) ld sukulan.
shukulasho ld sukulasho.
shukulid ld sukulid
shukulnaan ld sukulnaan.
shukulnaansho ld sukulnaan.
shukulo ld sukulo.
shukumaan Maro duf leh oo badanaa suuf ka samaysan oo biyaha laysaga tirtiro.
shukuxi Digir tartiib u sukulid.
shukuxin eeg shukuxi. ld shukuxis.
shukuxis ld shukuxin.
shukuxsan Digir wax la shukuxay ahaansho.
shukuxsanaan eeg shukuxsan. ld shukuxsanaansho.
shukuxsanaansho ld shukuxsanaan.
shulle 1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.
shullo ld shulle.
shulshul (1) 1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, darii-shadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo.
shulshul (2) 1. Googarad, daah iwm laalaab u yeelid. 2. Maro darfaha faraq uga yeelid.
shulshulan (1) Wax shulshul yeeshay noqosho.
shulshulan (2) Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho.
shulshulid eeg shulshul².
shulshulmid eeg shulshulan¹.
<< < 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 > >>