Ereyga Maanta: cashrin
iidid ld ciidid.
iil (1) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
iil (2) (iilay, iishay) Wax inyar weecin.
iilasho eeg iilo.
iilid eeg iil².
iillaagee Wax dhibaateyn, cid cawryid.
iillan Wax in yar la weeciyey ahaansho.
iillanaan eeg iillan. ld iillannaansho.
iillanaansho ld iillanaan.
iilo (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
iimaan 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (-nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
iimaandarro Qanaaco la'aanta. ld iimaanxumo.
iimaansad ld iimaansasho.
iimaansasho eeg iimaanso. ld iimaansad, iimaansi.
iimaansi ld iimaansasho.
iimaanso Wax yar ku raali noqosho.
iimaanxumo ld iimaandarro.
iimaanyoog I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
iimayn eeg iimee.
iimaysan Wax iin leh ahaansho (nafley).
iimaysnaan eeg iimaysan. ld iimaysnaansho.
iimaysnaansho ld iimaysnaan.
iimee Wax iin u yeelid.
iimoobid eeg iimow.
iimow Wax iin yeeshay noqosho.
iin (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
iin-cufaad (kiim.) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroon-nada.
ijaab Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
ijaabid eeg ijaab.
ijaabo (dii.) Aqbalidda duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
<< < 773 774 775 776 777 778 779 780 781 782 783 > >>

