ilikuwareertay Xarriiqda soo koobta aragga ama la moodo in dhulka iyo cifku iska qabtaan. ld ilkuwareerto, ilwareerto.
ilindi Hanti badan.
iljebi 1. Hal mar il isku qabasho. 2. U i.: qof isha ugu baaqid.
iljebin eeg iljebi. ld iljebis.
iljebis ld iljebin.
ilka-adag Nooc kalluunka ka mid ah.
ilkacaddayn eeg ilkacaddee.
ilkacaddee Qosol yar iyo farxad ilkaha ka muujin.
ilkaddawaco (daaw.) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. ld ilkow.
ilkaysad ld ilkaysasho.
ilkaysasho eeg ilkayso. ld ilkaysad, ilkaysi.
ilkaysi ld ilkaysasho.
ilkayso 1. Ilko yeelasho. 2. Meel la qabsasho.
Ilko Wax ka badan hal ilig. eeg Ilig.
ilkow ld ilkaddawaco.
ilku-leeble Qof la aaminsan yahay inuu nafleyda isha wax ku yeeli karo.
ilkuwareerto ld ilikuwareertay.
illa' Wax hal il lahayn ah.
illa'aan eeg illa'. ld illa'aansho.
illa'aansho ld illa'aan.
illaa Eray yaab ku jiro. Tus. “Illaa Cali waa geesi!”. ld illayn (2).
illaabid ld illoobid.
illaacayn eeg illaacee.
illaacaysad ld illaacaysasho, illaacaysi.
illaacaysan Wax illaaco ku dhacday ahaansho.
illaacaysasho eeg illaacayso. ld illaacaysad, illaacaysi.
illaacaysi ld illaacaysasho.
illaacaysnaan eeg illaacayso. ld illaacaysnaansho.
illaacaysnaansho ld illaacaysnaan.
illaacayso Cid il wax ku yeelid.
<< < 779 780 781 782 783 784 785 786 787 788 789 > >>