Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
ilnibirsi ld ilbiriqsi.
ilo Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
iloodi Qof basar badan leh.
ilqabad ld ilqabato (1).
ilqabato 1. ld ilqabad. Qurux indhuhu aad u soo jiita. 2. I. ah: wax indhaha lagu arki karo, iyadoon wax qalab ah la adeegsan.
ilqayto (daaw.) Iin indhuhu ay yeeshaan oo ay hal mar isku dhinac eegi karin.
ilqod (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
ilqoor ld ilqooreed.
ilqooraad ld ilqooreed.
ilqooraadasho eeg ilqooraadso.
ilqooraadso Si ilqooraad ah wax u eegid.
ilqooreed (c.nafl.) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. ld ilqoor, ilqooraad.
ilroon Ka i.: wax wax kale ka roonaansho.
ilroonaan eeg ilroon. ld ilroonaan-sho.
ilroonaansho ld ilroonaan.
iltir Weel iwm wax ka buuxin.
iltiran Wax si fiican u buuxa ahaansho.
iltirid eeg iltir.
iltirnaan eeg iltiran. ld iltirnaansho.
iltirnaansho ld iltiranaan.
iltuke (bot.) Geed yar oo dhulka ku faallala oo miro yaryar oo la cuno leh.
ilwaad Muuqaal quruxsan.
ilwaadsad ld ilwaadsasho.
ilwaadsasho eeg ilwaadso. ld il-waadsad, ilwaadsi.
ilwaadsi ld ilwaadsasho.
ilwaadso Wax qurxoon fiirsashadooda ku istareexid.
ilwalliije Qof labadiisa indhood aysan isku meel hal mar wada eegi karin.
ilwalliijis Si qalooc ah oo wax loo eego.
ilwareen (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
ilwareerto ld ilikuwareertay.
<< < 782 783 784 785 786 787 788 789 790 791 792 > >>