Ereyga Maanta: guryan
jaabo 1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo.
jaad (1) 1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan.
jaad (2) 1. Qaad cunid. 2. Ku jaad: cid shaqo u xilsaarid.
jaademid eeg jadeen².
jaadid eeg jaad².
jaafi 1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
jaah 1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).
jaahid Qof diinta islaamka u dagaallama.
jaahil 1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab
jaahilbixi Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixin eeg jaahilbixi.
jaahiliyad 1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo Jaahil ahaansho.
jaahwareer (1) 1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid.
jaahwareer (2) Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer².
jaahwareeri Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri.
jaahwareerid eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid.
jaahwareerin eeg jaahwareeri. ld jahawareerin.
jaahwareersan Wax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan.
jaahwareersanaan eeg jaahwareersan. ld jaahwareersanaansho jaha-wareersanaan.
jaahwareersanaansho ld jaahwareersanaan.
jaajaale Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaalee Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajaaleyn eeg jaajaalee.
jaajuur Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
jaajuus (1) ld jaasuus¹.
jaajuus (2) ld jaasuus².
jaajuusid ld jaasuusid.
jaajuusnimo ld jaasuusnimo.
jaakad Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
<< < 809 810 811 812 813 814 815 816 817 818 819 > >>

