jalaalaqee Meel hore loo dhacay mar labaad dhicid.
jalaalaqo Hantida laga helo meel hore loo dhacay.
jalaalid eeg jalaal².
jalaato Waxyaabo macmacaan oo laysku daray oo inta la qaboojiyo markay fariistaan la muudmuudsado ama la leefleefo.
jalabbutayn eeg jalabbutee.
jalabbute 1. Shir aan la fadhin ee dadku yoobsanyihiin. 2. Socod raaxaysi iyo majabaxsi looga jeedo oo hadba meel la habshahabsheeyo. 3. Ciyaar socod iyo boodbood leh.
jalabbutee Jalaabu-te samayn.
jalafsad ld jalafsasho.
jalafsasho eeg jalafso. ld jalafsad, jalafsi.
jalafsi ld jalafsasho.
jalafso Aayar socosho.
jalammad Weel macdan, dhoob iwm ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
jalanqo Jir qurux iyo jiljileec isku darsaday.
jalaq 1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
jalaqle Socod dhibaato leh oo lagu kala haro.
jalaqley Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
jalaqsan Qof xubno dabacsan oo qurxoon ahaansho.
jalaqsanaan eeg jalaqsan. ld jalaqsanaansho.
jalaqsanaansho ld jalaqsanaan.
jalasho eeg jalo.
jalaw (1) Miraha digirta, yicibta iwm oo geedka ku qallalay.
jalaw (2) Miro digir, loos iwm qallalid.
jalawsan Miro digir, loos iwm wax qallalay ahaansho.
jalawsanaan eeg jalawsan. ld jalawsanaansho.
jalawsanaansho ld jalawsanaan.
jalayn ld jalaysiin.
jalaysii Cid jala'ka yeersiin. ld jalee.
jalaysiin eeg jalaysii. ld jalayn, jalaysiis.
jalaysiis ld jalaysiin.
jalbaysan ld jidbaysan.
<< < 818 819 820 821 822 823 824 825 826 827 828 > >>